Posts

Showing posts from March, 2018

Somaliland charges jailed poet Naema Ahmed Qorane

On 4th March 2018, the Office of the Attorney General charged Neama Ahmed Ibrahim who was arrested on 27th January 2018 from Hargeisa Egal International Airport while she was traveling to Mogadishu, the capital of Somalia. The prosecution charged Naema of two accounts: Anti-national Activity of a citizen abroad (article 212 of the Penal Code) and Bringing the Nation or the State into Contempt (article 219(2) of the Penal Code). As stated in the charge sheet dated on 4th March, the first charge relates to a Facebook post allegedly written by Naema in her Facebook account. The prosecution says the post “weakens the existence, unity, and solidarity of the State.” The second charge is about “insult and defamation against the state circulated in the media,” by Naema, the charge sheet says. If found guilty, Naema could face more than eight years of imprisonment .  Mohamed Kayse Mohamoud who was arrested on 7 th  February 2018 for Facebook posts, is also in detention. Moha...

WAA KUMA BOON XIRSI ?

Image
Waa kuma Boon Xirsi ? Xuseen Xirsi Caddib oo loo yaqaanay ( Boon Xirsi) oo ka mid ahaa majaajilaystayaashii ugu caansanaa ayaynu inyar oo kooban ka hadli taariikh nololeedkiisii. Boon Xirsi wuxuu sidduu sheegay ku dhashay magaalada Hergeisa gudaheeda , lkn si sax ah looma sheegi karo sanadkii uu dhashay , dhawr jeer oo la waydiiyay xiligii uu dhashayna wuxuu sheegay Boon in aanu si sax ah u haynin sanaddkii , lkn wuxuu carabka ku dhuftay in uu soo gaadhay ama uu garanayo xiligii uu gumaystihii Ingiriisku ka talin jiray dhulka soomaaliland. Boon xirsi wuxuu fanka ku soo biiray sanadkii 1973, isagoo intaanu fanka ku soo biirin   ka xoogsan   jiray huteelada cuntada. Boon xirsi oo ahaa nin aad can ugu ahaa ka qoslinta wuxuu ruwaayadii ugu horaysay ee uu jilaa ka noqdo ka qaybgalay isla sanadkii 1973 masraxiyad la odhan jiray ( Jacayl waa kane kaalay) oo uu hal-abuurkeeda lahaa Axmed Saleebaan Bidde, Boon Xirsi oo aan kaliya ku koobnayn dhinaca ka qoslinta wuxuu si...

Gabaygii calanka Cabdi Iidaan Faarax 26 June 1960

Gabaygii xornimada uu u tiriyay Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh) 26 June 1960 Geeraar baan awalkiisiyo Anbaduu ka bilaabmiyo Halka uu ku idlaadiyo Sida loogu Ishaadiyo Aakhirkiisa hayaaye Indhaweyd iska daayee Akhyaartiinan Golaa bal maydiin akhriyaa Eray wayga Salaan Erayna wayga duco Halna waa ururkeenna Erayna waa Calanka Eray wayga salaane Waa araarad maqnaynoo Waa ashqaalo magaaloo Ammintanaannu haleelnee Ereygawgu horreeya A-Salaamu-Calaykum Erayna wayga duco Ilaahow ururkeenna Inta loo denbi dhaafee Ummaddii Nebigiiyee (NNKH) Ehlul-Khayra ka yeel Ilaahow arligeennana Mid ammaan lagu joogoon Abaaroobin ka yeel Ilaahow aduunkeennana Mid ibtiisa la maaloo intifaacleh ka yeel Ilaahow Oodda dhexdeenana Soomaaloo idilkeeda Midday uurka ku hayso Mid Ilaah ka daweeyoo La Illoobo ka yeel Ilaahoow eraygaygana Mid aammiin la yidhaahdoo La ajiibo ka yeel Ilaahow udubkeenna Istiqlaalka la siiyey ...

Wax ka baro cida aliftay heesta ( May dhiman Suleekhoo)

May dhiman Suleekhoo dhulkeenay ku nooshay, ila wada garateen eryadaas waan hubaa in inta badan dadka xiiseeya fanka ay markiiba garanayaan erayadaas iyo hoobal kii ku luuqayn jiray ba lkn dadku intooda badan ma yaqaanaan erayadaas cidii aliftay iyo waliba dabcan mulaxankii codka saaray.  Haddaba waxaan jeclaystay in aan intii aan aqoon magacyadooda abwaankii iyo mulaxankii heesta alifay aan usoo gudbiyo waliba aan erayadii heesta qayb ka mida aan idiin soo gudbiyo  Hal-ku dhiga heesta: May dhiman Suleekhoo  Erayada waxaa alifay oo ay maskaxdiisa kasoo maaxdeen hal abuur Cabdicasiis Dakhare oo ka mid ahaa macalimiintii ka hawlgali jirtay mid ka mida dugsiyadii gobolka Togdheer oo ay caasimad u tahay magaalada Burco.  Marka laga yimaado erayada macaan ee heestan oo dadka fanka u dhuun daloolaa ay ku tilmaamaan mid ka mida heesaha ugu wanaagsan ee gabadh lagu amaanayo, ayaa waxaa naaxiyada macaan ku ladhay mulaxankii waynaa ee kooxdii Waaberi waa Si...