WAA KUMA BOON XIRSI ?

Image result for boon xirsi


Waa kuma Boon Xirsi?

Xuseen Xirsi Caddib oo loo yaqaanay ( Boon Xirsi) oo ka mid ahaa majaajilaystayaashii ugu caansanaa ayaynu inyar oo kooban ka hadli taariikh nololeedkiisii.

Boon Xirsi wuxuu sidduu sheegay ku dhashay magaalada Hergeisa gudaheeda , lkn si sax ah looma sheegi karo sanadkii uu dhashay , dhawr jeer oo la waydiiyay xiligii uu dhashayna wuxuu sheegay Boon in aanu si sax ah u haynin sanaddkii , lkn wuxuu carabka ku dhuftay in uu soo gaadhay ama uu garanayo xiligii uu gumaystihii Ingiriisku ka talin jiray dhulka soomaaliland. Boon xirsi wuxuu fanka ku soo biiray sanadkii 1973, isagoo intaanu fanka ku soo biirin  ka xoogsan  jiray huteelada cuntada.

Boon xirsi oo ahaa nin aad can ugu ahaa ka qoslinta wuxuu ruwaayadii ugu horaysay ee uu jilaa ka noqdo ka qaybgalay isla sanadkii 1973 masraxiyad la odhan jiray ( Jacayl waa kane kaalay) oo uu hal-abuurkeeda lahaa Axmed Saleebaan Bidde, Boon Xirsi oo aan kaliya ku koobnayn dhinaca ka qoslinta wuxuu sidoo kale ahaa nin mu,alifa oo dhinaca moonsooyinka iyo heesahaba ku fiican.

Waxaa jirta in hal-abuurka Soomaalidu marka ay fariin tixeed diriyaan in qaarkood ay sameeyaan qofayn ay fariintooda sii dhexmarsanayaan iyagoo fariintooda u dhiibanaya qaar ka mida noocyada xayawaanka, waxaynu tusaale ka soo qaadan karnaa , heestii Hadraawi ee ay ku luuqayn jirtay Xaliima Khaliif Magool ee :
Shimbaryahoow ma duushaa
Ma dabayla raacdaa
Dadka maw adeegtaa
Oo ma u daadaashaa
Sidoo kale  waxaa ka mid ahaa ragii sameeyay qofaynta Cabdi Iidaan oo isna dameer fariintiisa u dhiibtay , waxaa kaloo ka mid ahaa Ismaaciil Mire  oo isna aynu aragnay gabaygiisii Guuguulaha, Hadaba Boon isna markiisa wuxuu fariintiisa jacayl u dhiibtay Bisad isagoo bisadii la hadlaya wuxuu yidhi :

Bisadyahay rabbaysani
Ee barbaraha iyo
Baaluhu casuusyiin
Waataan beryaha qaar
Bogga iyo qanjaha iyo
Beerka aan ku siin jiray
Eed barwaaqa naaxdee
Ruuxa baylka kugu shuba
Budka aan la kori jiray
Waxse Boon ku leeyahay
Ma biddaa abaaloo
Waxa aan u baahnahay
Ba’e ma ila qabataa?

Adigaan Bileys iyo
Jaandaaran ba’aniyo
Birta lagu hordhigahayn
Camal baalal haadlay
Bureeqadii rasuulkiyo ( CSW)
Sidii boqor usii soco
Bas Xunbuliga sii raac
Ina baar timacasuusli
Boqol waad ku garataa
U beexaami sheekada
Ninkani uu barriinsaday
Uu badinka laabtiyo
Biixiyaha u kicitimay
Jacaylkuna ku badanyahay
Ee bulida uu dhigay
Waxa aad tidhaa baro
Amma ha baran
Wuu kuu buseelee
Adiguna ku baanoo
Bisad xeebta joogtoo
Ku barbaartay maadayn
Biloo lagu su’aalaa
Burmuyeelka dabadeed
Baabiyaagii noo dhiib
Balaasminig maad arag
Boodhkooda maad galin
Illeyn waad bakhtiyaysa
Sida uu boon tilmaamay goobtu waxay ahyd Jabuuti iyadoo erayada maansada ku jira qaarkood ay yihiin Faransiis xaga hoose ayaynu ku Fasiri doonaa.

Waxaynu markan eegi doonaa dhankii heesaha uu Boon alifay , sida uu Boon ku sheegay waraysi uu Hergeisa kaga duubay wariyaha wayn ee Axmed Siciid Cige wuxuu sheegay in heestii u horaysay ee uu boon alifay in ay ahyd hees la yidhaa Ilwaad oo caan noqotay waxaana laxanka iyo codkaba lahaa fanaankii waynaa ee Maxamed Faarax , waxaana erayadeeda ka mid ahaa

Abaalow waxba ha tarin
Aqooneey waxba ha qaban
Kol haddii Ilwaad
Oon igu ag dilay

Waxaa kaloo heesaha uu Boon alifay ka mid ahyd hees si wayn bulshada dhexdeeda caan uga noqotay oo halkudhigeedu ahaa (WAAH WAAH WAXAASAA JACAYLA) , waxaa ku luuqayn jiray Aamina Cabullaahi Xirsi iyo Maxamed Axmed Kuluc , heestan si sax ah uma hayo cidii naaxiyada lahyd waan jeclaan lahaa haddii aad igu kordhiso, lkn bal aan eraydii heesta wax kaa xasuusiyo.

Kuluc
Qofba waayihiisaa
Ileen meel ku waaboo
Waynu kala fogaanee
Miyaan kuu waramay wali

Aamina Cabdulaahi

Mayee mayee
Ii wad sheekada
Adigu sii dhamaystiro…………………………………………………..
Waan hubaa isla markiiba markaad indhaha ku dhuato in aad xasuusan doonto heestaas iyo codadkii tolmoonaa ee sida darandooriga ugu luuqayn jiray ba , waxaa kaloo aan filayaa in ay dad badan is waydiin jireen tolow erayadaas heerka sareeya ee sida farshaxanka ah loo dhigay yaa alifay , meel fog ha ka doonin waxay maskaxdiisa kasoo maaxdeen Boon Xirsi oo aad dhinaca ka qoslinta kaliya dadku intooda badan ku yaqaaneen.

Boon Xirsi oo inabadan ka mid ahaa kooxdii Waabari isagoo intaanu fanka kusoo biirina sidaynu soo sheegnay ka shaqayn jiray huteelada waxaa shaqo qoris u noqotay maanso uu u ku amaanayay kacaankii uu hogaaminayay Siyaad Barre iyadoo waqtigaas dadku ay aad ula dhacsanaayeen kacaankii waxaanuu Boon yidhi:
Markuu taliye fiicani
Tolliimo kacaaniyo
Maskax toosan kugu wado
Tabaabushaha hogaankiyo
Halku tuhiyo awrkiyo
Tusmadaad ka garataa
Haddaan taasi noo dhalan
Abaartii la tabar gabay
Kamaanaan tisqaadeen

Xuseen Xirsi Caddib wuxuu ka mid ahaa dadka hibbada u lahaa dhinaca maadda ama ka qoslinta wuxuuna mudnaa in taalo loo dhiso sidaan qabo aadbayna u yartahay in isagoo kale ina soo maro lkn dhaqanka Soomaalida ayaaba ah aasi og dadkeena qiimaha leh waxaynu ka warhelnaa kaalintiisa marka uu alle oofsado, wuxuu Boon Xirsi waqtiyadii danbe ahaa nin nolosha iskala kifaaxa isagoo arraga naafo ka noqday labbadiisa indhoodna muddo waxba kamuu arkin jirin, inkstoo marar badan la isku dayay in indhaha loo jeexo lkn laguma guulaysan , waxaa tii alle u timi subax Axad ah oo taariikhdu ku beegnayd 18/12/2017 isagoo ku geeriyooday magaalada Hergeisa oo laguna aasay alle naxariistii janno haka waraabiyo qof qiima leh oo bulshada ka baxay ayuu ahaa.

FG: Jaandaaran waxaa loo yaqaan  ciidamada Ammaanka ee jabuuti.
       Baabiya waa eray luuqada Faransiiska ah oo la micno ah    sharciga qofka lagu aqoonsado luuqada Ingiriisidina la yidhaa ( Identity).
      Xunbuli waa xaafad ka mida xaafdaha magaalada caasimda ah ee Jabuuti.   

Waxaan ka codsanayaa akhristoow haddii aad wax ka hayso heesihii uu sameeyay abwaanku in aad igu caawiso.




Abdirahman Mohamed Ismail ( Yaare)
Malaysia/Kedah

yaare999@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Gabaygii calanka Cabdi Iidaan Faarax 26 June 1960

Wax ka baro cida aliftay heesta ( May dhiman Suleekhoo)