Wax ka baro cida aliftay heesta ( May dhiman Suleekhoo)


May dhiman Suleekhoo dhulkeenay ku nooshay, ila wada garateen eryadaas waan hubaa in inta badan dadka xiiseeya fanka ay markiiba garanayaan erayadaas iyo hoobal kii ku luuqayn jiray ba lkn dadku intooda badan ma yaqaanaan erayadaas cidii aliftay iyo waliba dabcan mulaxankii codka saaray. 

Haddaba waxaan jeclaystay in aan intii aan aqoon magacyadooda abwaankii iyo mulaxankii heesta alifay aan usoo gudbiyo waliba aan erayadii heesta qayb ka mida aan idiin soo gudbiyo 


Hal-ku dhiga heesta: May dhiman Suleekhoo 

Erayada waxaa alifay oo ay maskaxdiisa kasoo maaxdeen hal abuur Cabdicasiis Dakhare oo ka mid ahaa macalimiintii ka hawlgali jirtay mid ka mida dugsiyadii gobolka Togdheer oo ay caasimad u tahay magaalada Burco. 

Marka laga yimaado erayada macaan ee heestan oo dadka fanka u dhuun daloolaa ay ku tilmaamaan mid ka mida heesaha ugu wanaagsan ee gabadh lagu amaanayo, ayaa waxaa naaxiyada macaan ku ladhay mulaxankii waynaa ee kooxdii Waaberi waa Siciid Xarawo. Dabcan waxaa codkiisa macaan inagu soo gaadhsiiyay fanaankii waynaa ee Axmed Cali Cigaal. 

Erayada heesta 

Ilkaheeda dhuuxaa 
Indhaheedan dheydaa 
Dhabankeedaa curubta 
Suniyaha bildhaladkiyo 
Sida qaanso lagu dhigay 

Timaheedaan dhuxushaa 
Badhkood dhaafay dhabarka 
Badhna soo dhaceenee 
Laydhu ay ku dheeshiyo 
Midabkeeda dhiinka 

Mawaagoo dhalaalaybaa ?
Ma dhibic seermaydaa ?
Ma dhalaan la jecelyahaa ?
Ma xalay ubax dhashoo ?
Dhagaha fidiyoo ?
Ka dharqadey xareedoo ?
Dharabkii ku yaalbaa? 

Comments

  1. Brother Abdirahman Mohamed Ismail miyaa Wiilkan blog leh

    ReplyDelete
    Replies
    1. Magacaa ha jiro oo ha waaro wll inkastoo aanan magacaaga si sax ah u sheegi karin waan ka xumay taas wll, mahadsanid

      Delete
    2. Alle naxariistii jano haka waraabiyo Cabdicasis Sh. Ismaaciil (Daqare) oo ah abwaanka alifay heestan iyo kuwo kale oo badan. Sida riwaayadii Raad Abeeao.

      Delete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gabaygii calanka Cabdi Iidaan Faarax 26 June 1960

WAA KUMA BOON XIRSI ?